Inspiration for Your Daily Life
Sidee Qorshe wanagsan aad isku diyariso sanadka
Sanad kasta wuxuu inoo keenaa fursado cusub, casharro iyo waayo-aragnimo aynu nolosheenna wax kaga beddeli karno. Maadaama aynu ku jirno dhammaadka bisha Oktoobar, waxaa inoo harsan Nofeembar iyo Diseembar. Labadan bilood ma aha oo keliya dhammaadka sanadkan. Waa fursad qaali ah oo aad isku diyaarin karto sanadka cusub.Waqtigan waa fursad fiican inaad dib u eegto […]
Sanad kasta wuxuu inoo keenaa fursado cusub, casharro iyo waayo-aragnimo aynu nolosheenna wax kaga beddeli karno. Maadaama aynu ku jirno dhammaadka bisha Oktoobar, waxaa inoo harsan Nofeembar iyo Diseembar. Labadan bilood ma aha oo keliya dhammaadka sanadkan. Waa fursad qaali ah oo aad isku diyaarin karto sanadka cusub.Waqtigan waa fursad fiican inaad dib u eegto meesha aad maanta joogto, waxyaabihii kuu suurtogalay iyo kuwii aadan weli gaadhin. Halkii aad sugi lahayd Janaayo si aad isbeddel u bilowdo, maanta ka bilow tallaabooyin yar yar oo kuu horseedi kara nolol wanaagsan
1. Eeg sanadka hadda dhammaanaya.
Is weydii saddex su’aalood. Maxaa sanadkan ii qabsoomay? Maxaase ii qabsoomin? Maxay u qabsoomi waayenHa ku mashquulin kaliya waxyaabihii kaa fashilmay. Wax kasta oo aad ka baratay caqabadahaaga waxay noqon karaan casharro kaa caawiya in aad mustaqbalka si fiican u socoto
2. Samee qorshe fudud oo la fahmi karo
Ha samaynin qorshe aad u ballaaran oo aan la fulin karin. Dooro saddex arrimood oo muhiim u ah noloshaada, sida inaad kordhiso aqoontaada, hagaajiso dhaqaalahaaga ama xoojiso xiriirkaaga Alle.Samee tallaabooyin yar yar oo aad toddobaad kasta fulin karto, sanad walba Xasuuso in qorshe fiican aad sameyn jirtey balse uusan ahayn mid la fuliyey qorshuhu ma aha oo keya wax warqad lagu qoro markaa sidaa ku qabsomo, balse waa ficilo yar yar la isu geeyey
3. Samee tababar laba bilood ah
Inta Nofeembar iyo Diseembar kuu harsan, ku tababar caadooyinka aad rabto inaad sanadka cusub la gasho. Haddii aad rabto inaad wax akhrido, maanta bilow toban daqiiqo maalintii. Haddii aad rabto inaad xirfad cusub barato, maalin kasta waqti u qoondee.Sidoo kale, aad la qabsato waqica iyo duruufaha maanta jira. Waqtigaaga si wanaagsan u maamul. Iska yaree isticmaalka taleefanka ee aan faa’iido lahayn. Kharashaadkaagana la soco. Haddii duruufaha dhaqaale ama noloshu kugu adkaadaan, marka hore Alle u carar oo taladaada u dhiibo dhinac kasta nolosha ka dib la imow dadaal intii karaan kaga ah waxa wanaagsan ee aad dooneysid alle wuu ogyahay alle cidna dadaalkeda ma dayaco
4. La xiriir Alle mar kasta, naftaadana ilaali oo daryeel
Guusha noloshu kaliya ma aha lacag iyo shaqo. Ku dadaal salaadda, Qur’aanka, ducada iyo akhlaaqda wanaagsan. Sidoo kale, daryeel caafimaadkaaga. Ilaali nasashadaada. Xiriir wanaagsan la samee dadka wanaagsan
Gabagabadii
Bilow sanadka cusub si aad u noqoto qofka aad rabto inaad noqoto. Labada bilood ee kuu harsan waxay noqon karaan bilowga isbeddelka aad muddo dheer rabtay.Xikmad: “Sanad cusub noloshaada wax kama beddelo haddii aadan beddelin ficilladaada. Isbeddelku wuxuu bilaabmaa maalinta aad go’aansato inaad tallaabada koowaad qaaddo.”Maanta bilow, si aad sanadka cusub ugu gasho adigoo leh qorshe cad, caadooyin wanaagsan iyo yoolal aad u diyaarsan tahay inaad ka dhabeyso