Inspiration for Your Daily Life
Sidee Caado Xun Ku Dhalataa iyo Saamaynta Ay Noloshaada Ku Yeelan Karto
Caado xun qofku ma yeesho hal maalin gudaheed, sidoo kale si kedis ah uguma soo baxdo noloshiisa. Badanaa waxay ka timaadaa ficil yar oo uu marar badan sameeyo, isaga oo aan ogayn in ficilkaas mar dambe noqonayo caado adag oo laga bixi waayo.Maanta waxaa jira waxyaabo badan oo ka dhigaya mid sahlan in qofku yeesho […]
Caado xun qofku ma yeesho hal maalin gudaheed, sidoo kale si kedis ah uguma soo baxdo noloshiisa. Badanaa waxay ka timaadaa ficil yar oo uu marar badan sameeyo, isaga oo aan ogayn in ficilkaas mar dambe noqonayo caado adag oo laga bixi waayo.Maanta waxaa jira waxyaabo badan oo ka dhigaya mid sahlan in qofku yeesho caadooyin xun. Telefoonka gacanta, baraha bulshada, ciyaaraha internetka iyo daawashada muuqaallo badan waxay si tartiib ah u lumiyan waqtigaaga
Sidee buu caado xun u bilowdaa
Caado xun badanaa waxay ka bilaabataa rabitaan ama ficil qofku moodo in uu sahlan yahay. Tusaale ahaan, qof ayaa habeenkii ugu yaraan toban daqiiqo ku daawada muuqaallo shorts ah taleefankiisa. Maalinta xigta wuxuu sii daawadaa nus saac, markaas waxa arrintu isu beddeshaa in uu saacado badan ku qaato, isaga oo aan ogeyn waqtiga uu lumo.Sidoo kale, qofka mar kasta dib u dhiga hawlaha muhiimka ah, hurdada oo ka daaha, ama iska indha tira waajibaadkiisa wuxuu si tartiib ah u dhisaa caadooyin dhaawac u keeni kara mustaqbalkiisa.Caado xun way sii xoogaysataa marka qofku raaxo degdeg ah ka helo, inkastoo ay mustaqbalka dhib keento. Sidaas darteed, dad badan way ku adkaataa inay joojiyaan waxyaabo ay og yihiin inaysan dan u lahayn.
Sidee Looga Hortagi Karaa
Tallaabada koowaad waa inaad ogaato caadada kaa hor istaagaysa horumarkaaga. Ha isku dayin inaad noloshaada dhan hal maalin ku beddesho. Bilow tallaabooyin yar yar.
1. Yaree waqtiga aad ku lumiso baraha bulshada.
2. Samee jadwal maalinle ah si aad waqtigaaga u xakameyso. Ama ugu yaraan qeyb ka mid aad ka faa’iidaysato
3. Iska ilaali waxyaabaha kugu sababa inaad yeelato caadooyin xun.
4. Bedel caadooyinka xun si tartiib ah kuna bedel caadooyin yar yar oo fiican tusaale ahaan akhriso, jimicso ama baro xirfad cusub.
5. Waqti sii naftaada si aad u barato isbeddelka naftaada iyo waxyaabaha ay ku fiican tahay
Gunaanad
Xasuuso, caado xun waxay ka timaadaa ficil yar oo aad sahashato, caado fiicanna waxay ka bilaabataa go’aan yar oo aad qaadato ka dibna joogteyso Ha u ogolaan caadooyinka xun inay noloshaada xukumaan. Maanta bilow inaad beddesho hal ficil oo ka mid ah caadooyinka xunNoloshaada waxa dhisa waxa aad maalin walba qabato. Marka aad caadooyinkaaga beddesho, fursad ayaad u helaysaa in mustaqbalkaaga is beddelo