Inspiration for Your Daily Life
Cadawga Ugu Weyn Waa Nafta Aan La Xakameyn
Mararka qaar qofku wuxuu u malaynayaa in cadawgiisa ugu weyn uu yahay dadka oo isaga is hayaan, xaaladaha adag, ama caqabadaha nolosha. Xaqiiqadu waa in mararka qaar cadawga ugu weyn uu yahay naftiisa, markuu qofku xakamayn waayo rabitaankiisa, fikirkiisa iyo ficilladiisa.Maanta, dad badan waxay waqti badan ku lumiyaan baraha bulshada, isticmaalka telefoonka, caajisnimo, dib-u-dhigid hawlo, […]
Mararka qaar qofku wuxuu u malaynayaa in cadawgiisa ugu weyn uu yahay dadka oo isaga is hayaan, xaaladaha adag, ama caqabadaha nolosha. Xaqiiqadu waa in mararka qaar cadawga ugu weyn uu yahay naftiisa, markuu qofku xakamayn waayo rabitaankiisa, fikirkiisa iyo ficilladiisa.Maanta, dad badan waxay waqti badan ku lumiyaan baraha bulshada, isticmaalka telefoonka, caajisnimo, dib-u-dhigid hawlo, iyo rabitaanka degdegga ah ee raaxada ah. Waxyaalahan ayaa qofka ka hor istaaga inuu gaaro himiladiisa.Tusaale ahaan, qof raba inuu wax barto ama xirfad cusub yeesho ayaa waxaa laga yabaa in uu waqti badan galiyaa TikTok iyo Facebook. Mar walba wuxuu is leeyahay berri ayaad bilaabi doontaa Maalmo ayaa sidaas ku dhaafa. Ugu dambayn, wuxuu ogaanayaa in waqtigii uu wax ku baran lahaa uu dhamaadey uu ku lumay wax aan faa’iido lahayn.Marka aad rabo inaad noloshaada beddesho, waa inaad marka hore barato sida aad naftaada u xakameyneyso. Waa inaad xakameyso rabitaankaaga, waqtigaagana ilaashato, iska ilaaliso caadooyinka xun, dadaalna ku bixiso waxyaabaha mustaqbalkaaga wanaajinaya.Diinteennu waxay ina faraysaa in aan la dagaalanno nafta oo aan iska ilaalinno rabitaannada xun. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:”
وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ”
Qofka ka baqa inuu hor yimaado Rabbigiis, naftiisana ka ilaaliya rabitaankeeda xun.
Gunaanad
Guusha dhabta ah waxay ka bilaabataa markaad naftaada maamusho. Ama aad xakameyso qofka naftiisa xakameeya wuu ilaashan karaa waqtigiisa, wuu garanayaa dantiisa wuu ogyahay yoolkiisa, wuxuuna sidoo kale ku dadaalaa wax yaabaha anfacaya noloshiisa adigana sidoo kale waqtigaaga ha dayicin hadafkada ogow, mar walba xakameyta naftaada ku dadaal iskana ilaali waxyaabaha farhada degdega ah aad ka heleysid oo marka dambe aad ka shaleyneysid xakameynta nafta sida kale aad ku baran kartid waa salaaddaha oo aad waqtigooda ku ilaalisid oo aysan kaa dibdhicin