Inspiration for Your Daily Life
Al-Qadaa wal-Qadar
Hordhac Rumaynta qaddarka Alle waa tiir ka mid ah lixda tiir ee iimaanka. Tani waxay ka dhigan tahay in qofka Muslimka ahi uu rumaysto in wax kasta oo dunida ka dhaca ay ku dhacaan cilmiga iyo doonista Alle SWT. Fahamka qaddarku wuxuu qofka baraa samir. Wuxuu kaloo baraa tawakkul iyo inuu Alle ku kalsoonaado xaalad […]
Hordhac
Rumaynta qaddarka Alle waa tiir ka mid ah lixda tiir ee iimaanka. Tani waxay ka dhigan tahay in qofka Muslimka ahi uu rumaysto in wax kasta oo dunida ka dhaca ay ku dhacaan cilmiga iyo doonista Alle SWT. Fahamka qaddarku wuxuu qofka baraa samir. Wuxuu kaloo baraa tawakkul iyo inuu Alle ku kalsoonaado xaalad kasta oo uu ku jiro.
Waa maxay Qaddarka Alle
Qaddarka Alle micnihiisu waa in Alle SWT uu wax walba hore u ogaa. Wax walba waxay ku dhacaan cilmigiisa iyo xikmaddiisa. Qofka Muslimka ah waa inuu rumaysto in wanaagga iyo dhibkuba ay ku dhacaan qaddarka Alle. Wuxuu haddana sii wataa dadaalka iyo raadinta waxa wanaagsan.Alle SWT wuxuu Qur’aanka ku yiri: إِنَّا كُلَّ شَيْءٍ خَلَقْنَاهُ بِقَدَرٍ Macnaha: aayada“ Annagu wax walba waxaan ku abuurnay qaddar.” (Suuradda Al-Qamar: 49).
Sidee loo fahmaa Qaddarta Alle
Qofka Muslimka ahi waa inuu dadaalaa. Waa inuu ducaystaa. Waa inuu sababaha qaataa. Markaas Alle ha talo saarto. Rumaynta qaddarku micnaheedu ma aha in qofku iska fadhiisto oo uu sugo waxa dhacaya.Tusaale ahaan, arday imtixaan u diyaar garoobaya waa inuu wax akhriyo oo dadaalo. Marka uu dadaalka sameeyo, natiijada waa inuu Alle ku kalsoonaado, haddii ay u dhacdo sidii uu rabay ama haddii kale.Casharka laga baranayo QaddarkaRumaynta qaddarka Alle waxay qofka bartaa inuu dhibaatada ku sabro. Nimcada ku shukriyo. Kana fogaado quusashada. Sidoo kale, waxay xusuusinaysaa in qofku uusan ogayn xikmadda ku jirta wax kasta oo ku dhaca.
gabagabadi
Qaddarka Alle waa qayb muhiim ah oo ka mid ah iimaanka Muslimka. Waa inaan dadaalnaa. Waa inaan ducaysannaa. Waa inaan samirnaa. Waa inaan Alle talo saarannaa. Qofka fahma qaddarka Alle wuxuu helaa qalbi deggan iyo rajo uu ku wajaho caqabadaha nolosha