Inspiration for Your Daily Life
Fadliga Saliga Nabiga ﷺ iyo Faa’iidooyinkiisa
Saliga nabigeena ﷺ waa cibaado qiimo weyn ku lex nolosha muslimiinta waa xus uu qofku ku muujinayo jaceylka uu u qabo Rasuulka alle ﷺ Quraanka kariimka ah ayaa muslimiinta ku booriyey inay nabiga ﷺ ku saliyaan kuna salaamaanAlle SWT wuxuu yiri alle iyo malaaiktiisu waxay ku saliyeen nabiga kuwa xaqa rumeeyow ku saliya nabiga ﷺ […]
Saliga nabigeena ﷺ waa cibaado qiimo weyn ku lex nolosha muslimiinta waa xus uu qofku ku muujinayo jaceylka uu u qabo Rasuulka alle ﷺ Quraanka kariimka ah ayaa muslimiinta ku booriyey inay nabiga ﷺ ku saliyaan kuna salaamaan
Alle SWT wuxuu yiri alle iyo malaaiktiisu waxay ku saliyeen nabiga kuwa xaqa rumeeyow ku saliya nabiga ﷺ oo salaama Al-Axzaab ayada 56 Aayadani waxay ku tuseysaa maqaamka sare ee nabiga ﷺ iyo sida ay muhiim u tahay inay muslimiinta badiyaan saliga iyo salaanta
Ku salinta nabiga ﷺ waxay ka dhigan tahay in muslimiinta ay ka baryaan Allah inuu nabigeena Muhammad ﷺ siiyo darajooyin sare
Waxaa jira siyaabo badan oo nabiga ﷺ loogu saliyo Waxaa ka mid ah:
اللهم صل وسلم على نبينا محمد.
Sidoo kale saliga Ibraahimiyada oo la akhrin jirey marka salaadda lagu jiro.
Saliga Nabiga ma aha oo keliya erayo carrabka laga yiraahdo. Wuxuu sidoo kale qofka xasuusinayaa inuu barto Sunnada Nabiga ﷺ, akhlaaqdiisa iyo sida uu ula dhaqmi jiray dadka.
Fadliga saliga Nabiga ﷺ
Mid ka mid ah fadliga ugu weyn ee saliga Nabiga ﷺ waxaa ka mid ah qofkii hal mar ku salliyo Nabiga ﷺ Alle u naxariisanayo toban jeer
Nabiga ﷺ wuxuu yiri:
Qofkii igu salliya hal mar, Alle ayaa toban jeer u naxariisanaya
Waxaa weriyey Muslim ama ku salinaya
Tani waa fursad weyn oo Muslimiinta ku heleyan ajar badan iyagoo sameynaya camal fudud oo carrabkiisu qaban karo
Saliga Nabiga iyo jacaylka Rasuulka ﷺ
Qofka si joogto ah u xusa Nabiga 1:dunuubtada waa la tirtiri inagana maanta dunuubtena ayaa inaga badatey
2:hamigaga waa lagaga filnaan oo hami kasta oo aad ledahay waad ku heli
3:wax kasta oo ku murug galiya waa laga kaafin maanta inta loo ordayo soo intaas ma aha
4:in hubiga nabiga ﷺ uu ku ziyaado allahna wuu kugu jeclaan ma jaceylka Allah wax ka weyn miyaa jira.
Jacaylka Nabiga ﷺ marka aad isku daydo in aad ku dayato nabiga ﷺ akhlaaqdiisa wanaagsan Tusaale ahaan, runta, naxariista, dulqaadka, cafiska, iyo wanaagga uu dadka kula dhaqmi jiray marka waxaa ku fududaanaya jaceylka nabiga ﷺ
Sidaas darteed, saliga Nabiga waa inuu la socdo dadaalka lagu baranayo Sunnada iyo ku dhaqankeeda.
Goorma ayaa la kordhiyaa saliga Nabigaﷺ
Muslimiinta waxay Nabiga ﷺ ku sallin karaan waqtiyo badan iyo marka aad maqashid magaciisa nabiga صلى الله عليه وسلم
Sido kale waxaa fiican in la badiyo saliga Nabiga maalinta Jimcaha
Nabiga ﷺ wuxuu sheegay in maalinta Jimcaha ay leedahay fadli weyn. Waxa uu sidoo kale sheegay in Muslimiintu badiyaan saliga iyo salaanta
Sido kale nabiga ﷺ wuxuu yiri maalinta Jimcaha saliga aad igu salineysan waa la iso bandhiga marka maxaa ka wanaagsan in nabiga ﷺ saligaga loo geeyo magacaga loo sheego
Waxaad sido kale samaysan karaa caado wanaagsan. Waxaad waqti yar maalin kasta u sameyn kartaa xuska Alle iyo saliga Nabiga ﷺ.
Sido kale Saliga Nabiga marka aad
ducaysaneyso, kow ka bilow inaad Alle ku mahadiyo. Kadibna Nabiga ﷺ ku salliyo Markaas kadib, Alle ka bari waxa aad doonayo oo kheyr ah.
Ducadu waxay u baahan tahay qalbi jooga iyo ikhlaas. Sidaas darteed, qofku waa inuu isku dayaa inuu fahmo macnaha erayada uu ku hadlayo. Halkii uu si degdeg ah oo aan feejignaan lahayn
Faa’iidooyinka saliga Nabiga ﷺ
Saliga Nabiga ﷺ wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo ka mid ah
Marka hore in aad fulineyso amarka Alle ku saabsan saliga iyo salaanta Nabiga ﷺ
Qofka waxaa lagu xoojiyaa qalbigiisa jacaylka Nabiga ﷺ
In qofku si joogto ah u gu dhaqmo Sunnada iyo dabeecadda Nabiga ﷺ.
marka waxaa ku fududaneysa in aad waqtigaaga ku mashquuliso xus wanaagsan oo leh faa’iido.
Marka waa in aad ka dhigto saliga Nabiga ﷺ qayb ka mid ah nolol maslmedkaga
Waa muhiim in la xuso saliga Nabiga ﷺ marka la sameynayo cibaadooyinka kale ee fiican sida salaadda, Qur’aanka ducada, sadaqada iyo acmasha wanaagsan.
Gunaanad
Saliga Nabiga ﷺ waa cibaado fudud oo fadli weyn leh. marka aad ku salineyso nabiga ﷺ Waxaad xasuusaneysa jacaylka Aad u qabto Rasuulka Alle ﷺ muhiimadda ay leedahay ku dhaqanka Sunnadiisa
Aan badino saliga iyo salaanta Nabigeenna ﷺ Quluubteena ayaa ku dageysa dad badan maanta waxaa haya istarees iyo kurbo aduunyo waxaa kugu filan saliga Nabiga ﷺ dhinac kasta aan xoojiyo jacaylka Nabiga iyo ku dayashada akhlaaqdiisa shaqamadiisa dhinac kasta
Alle ha inagu maneysto jacaylka Nabigiisa maalinta qiyaamana ha inaga dhigo kuwii shafaacada nabiga ﷺ hela alle ha ina waafajiyo raacidda Sunnadiisa Aamiin