Skip to content

Inspiration for Your Daily Life

Explore motivational insights and personal growth strategies that empower you to thrive and succeed.

Sida Caadooyinka Yaryar ay Isbeddel Weyn ugu Sameeyaan Noloshaada

Hordhac maqaalka Mararka qaarkood qofku wuxuu rabaa inuu noloshiisa si weyn u beddelo. Laakiin wuxuu sugaa maalin ku habboon ama fursad weyn si uu isbeddelka u bilaabo. Runtu waxay tahay in isbeddellada waaweyn inta badan ka bilowdaan tallaabooyin yaryar oo la sameeyo maalin kasta.Caadooyinka yaryar waa ficillo fudud oo aad marar badan sameyso ilaa ay […]

Hordhac maqaalka

Mararka qaarkood qofku wuxuu rabaa inuu noloshiisa si weyn u beddelo. Laakiin wuxuu sugaa maalin ku habboon ama fursad weyn si uu isbeddelka u bilaabo. Runtu waxay tahay in isbeddellada waaweyn inta badan ka bilowdaan tallaabooyin yaryar oo la sameeyo maalin kasta.Caadooyinka yaryar waa ficillo fudud oo aad marar badan sameyso ilaa ay qayb ka noqdaan nolol maalmeedkaaga. Waxay noqon karaan inaad maalin kasta dhowr bog akhrido. Waxa kale oo ay noqon karaan inaad waqti yar wax barato, jimicsi samayso ama aad iska yarayso isticmaalka telefoonka.

Sidee ayay caadooyinka yaryar u sameysmaan?

Qoraaga James Clear, buuggiisa Atomic Habits, wuxuu sharxayaa in horumarka joogtada ah uu ka yimaado hagaajinta ficillada yaryar ee maalinlaha ah. Sida uu tilmaamayo, ma aha inaad wax walba beddesho hal maalin gudaheed. Waa inaad samaysato nidaam kuu fududaynaya inaad ficilka wanaagsan mar kasta samayso.Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad noqoto qof wax akhriya, ha isku qasbin inaad maalintii hal saac wax akhrido adigoo aan horey u baran. Ku bilow 10 daqiiqo ama 30 maalintii. Waxaa laga yaabaa inaad u aragto mid aan muhiim ahayn, laakiin marka aad joogteyso, wax weyn oo aadan filan karin ayey noloshaada ka beddeli doontaa. Marka ay kuu fududaato, si tartiib ah u kordhi.Sidoo kale, haddii aad rabto inaad Qur’aanka akhriskiisa joogto, ku bilow dhowr aayadood ama hal bog maalin kasta. Waxa muhiimka ah ma aha inta bog ama juz ee aad maanta akhriday. Muhiimadu waa joogtaynta.

Maxaa maanta na hor joogsada marka aan rabno inaan caadooyin wanaagsan yeelano?

Nolosha maanta, waxyaabaha waqtiga naga lumiya aad bay u bateen. Baraha bulshada, muuqaallada gaagaaban iyo isticmaalka telefoonka oo aan xad lahayn waxay qofka ka mashquuliyaan waxyaabaha dhisaya mustaqbalkiisa.Qofku wuxuu saacado badan ku bixin karaa daawashada muuqaallo badan. Si kastaba ha ahaatee, way ku adag tahay inuu toban daqiiqo wax akhriyo. Sidaa darteed, waa muhiim inaad barato sida aad waqtigaaga u maareyn lahayd. Waa inaad yareyso waxyaabaha ku mashquuliya. Sidoo kale, mudnaanta sii hawlaha ama waxyaabaha kuu faa’iido badan.

Sidee loo sameeyaa caado fiican?

Waxaa jira dhowr tallaabo oo kaa caawin kara:Ku bilow wax yar: Ha isku dayin inaad hal mar wax walba bilowdo Samee waqti go’an. U qoondee caadadaada waqti aad maalin kasta ku celceliso.Ka dhig mid fudud: Diyaarso wax kasta oo kuu sahlaya inaad ficilka bilowdo ama ku celceliso Joogtee ficilka: Ha niyad jabin haddii dadaalkaga gaabis noqdo binu,aadam ayaa tahay ku celi mar kale haquusan wax walba quusta ayaa ugu daran La soco horumarkaaga. Calaamadee maalmaha aad caadadaada fuliso.

Gabagadii

Xusuusnow, noloshaada waxa beddela oo keliya go’aannada waaweyn. Sidoo kale, waxyaabaha yaryar ee aad maalin kasta samayso ayaa qaabeeya. Haddii aad maanta bilowdo akhris yar, waxbarasho, cibaado ama jimicsi, waxaad dhisaysaa aasaaska qofka aad rabto inaad mustaqbalka noqoto.Ma ogtahay maalinta aad go’aansato inaad noloshaada beddesho. Bilow wax yar oo aad maanta qaban karto. Sii wad, hana iska indho tirin tallaabada yar.Isbeddel weyn wuxuu ka bilowdaa caado yar oo aad maanta doorato inaad si joogto ah u samayso sido kale sedexdan buug akhri wey ku anfici doonaan Alle idinkii

Atomic Habits – James Clear: Sida ficillada yaryar iyo joogtayntu u abuuraan isbeddel weyn.
The Power of Habit – Charles Duhigg: Sida caadooyinku u samaysmaan, iyagoo ka kooban kicin, ficil iyo abaalmarin.
Tiny Habits – BJ Fogg: Fikradda ah in ficillada yaryar laga bilaabo si caadooyin waara loo dhiso.

Trusted by over 10,000 Partners