Inspiration for Your Daily Life
Sida Looga Baxo Caadooyinka Dhaawaca Leh Loona Dhisto Caadooyin Wanaagsan
Hordhac Qofka wuxuu la kulmaa caqabado waaweyn marka uu rabo inuu noloshiisa horumariyo. Waxaa ugu weyn in la iska saaro caadooyinka xun. Marar badan qofku wuu ogyahay in caado gaar ahi dhaawac u geysanayso caafimaadkiisa, waqtigiisa, mustaqbalkiisa ama xiriirkiisa bulshada, haddana wuu ku dhibtoodaa inuu joojiyo.Waxaa dhici karta inaad leedahay caado aad rabtay inaad ka […]
Hordhac
Qofka wuxuu la kulmaa caqabado waaweyn marka uu rabo inuu noloshiisa horumariyo. Waxaa ugu weyn in la iska saaro caadooyinka xun. Marar badan qofku wuu ogyahay in caado gaar ahi dhaawac u geysanayso caafimaadkiisa, waqtigiisa, mustaqbalkiisa ama xiriirkiisa bulshada, haddana wuu ku dhibtoodaa inuu joojiyo.Waxaa dhici karta inaad leedahay caado aad rabtay inaad ka tagto muddo dheer, laakiin aad markasta dib ugu noqoto. Caadadaas waxay noqon kartaa inaad waqti badan lumiso, aad seexato in ka badan inta aad u baahan yahay, aad dib u dhigto shaqooyinka muhiimka ah, aad aad u isticmaasho taleefanka, ama aad si fudud u xanaaqdo.Maxaa qofka ku adkeeya inuu joojiyo caado uu og yahay inay dhib u keento? Sidee ayuu qofku isugu diyaarin karaa inuu ka takhaluso caadooyin waxyeello leh
1. Faham sababta aad caadadaas u samayso
Ka hor intaadan isku dayin inaad joojiso caado xun, marka hore ogow sababta aad sidaas u samayso.Caadooyin qaar waxay ka yimaadaan marka la sameeyo marar badan, kuwa kalena waxay la xiriiraan dareenno gaar ah sida murugo, xanaaq, caajisTusaale ahaan, qofka markasta oo uu caajiso oo uu taleefankiisa qaato wuu baran karaa inuu waqti badan ku bixiyo baraha bulshada.Sidaas awgeed, is weydii: Goorma ayaan caadadan sameeyaa? Maxaa igu sababa? Maxay nolosheyda ku soo kordhisaa ama ka dhimeysa?Markaad ogaato sababta, waxaad si sahlan u heli kartaa sida aad wax ugu beddeli lahayd
2. Ku beddel caadada xun mid wanaagsan
Dad badan waxay isku dayaan inay caado xun iska joojiyaan iyaga oo aan qorshe u sameyn caado kale oo wanaagsanTusaale ahaan, haddii aad rabto in aad wakhtiga aad taleefanka isticmaasho yareyso, wakhtigaas waxa aad u isticmaali kartaa akhrinta buug barashada xirfad cusub, jimicsi, ama waxbarashoHaddii aad caado u leedahay inaad hawsha dib u dhigto, markiiba bilow hawsha muhiimka ah marka aad qorsheyso.Xasuuso, ujeeddadu ma aha inaad wax xun joojiso kaliya; waa inaad beddelkeeda noloshaada ku dartaa wax ku anfaca
3. Ku bilow tallaabooyin yaryar
Ha isku dayin inaad dhammaan hab-dhaqannadaada beddesho hal maalin gudaheed. Isbeddel weyn wuxuu ka bilowdaa tallaabooyin yaryar oo aad si joogto ah u qaaddo.Haddii aad rabto inaad barato akhrinta buug, maalintii shan ilaa toban daqiiqo akhri. Haddii aad doonayso inaad jimicsi sameyso, socod gaaban bilow.Markaad si joogto ah u samayso tallaabooyinkaas yaryar, waxaad si tartiib tartiib ah u kordhinaysaa dadaalkaagaWaa inaad ogaataa in guushu aysan ku xirnayn waxa aad hal maalin qabato, balse ay ku xiran tahay inta aad joogteyn karto
4. Baro xakamaynta naftaada
Qofka raba inuu ka tago caadooyinka xun waa inuu naftiisa iyo rabitaannadiisa xakameeyo.Mararka qaar waxaad dareemi kartaa rabitaan xoog leh oo ku riixaya inaad ku laabato caadadii aad joojinaysay. Markaas waa muhiim inaad barato sida rabitaankaas dib loogu dhigo oo aad is xasuusiso sababta aad isbeddelka u rabto.Go’aan adag qaado. Ha u oggolaan rabitaan degdeg ah inuu kaa leexiyo yoolkaaga fog.Sidoo kale, qofku waa inuu barto sida uu xakameeyo xanaaqa, yeesho dulqaad, oo uu ka fiirsado ficilladiisa ka hor inta uusan wax samayn
5. Joogtee caadooyinka wanaagsan
Caado cusub hal maalin laguma samayn karo. Waxaa loo baahan yahay in la celceliyo oo si joogto ah loo dadaalo.Waqti cayiman u samee hawlaha aad rabto inay caado kuu noqdaan. Tusaale ahaan, subax kasta waqti dhig akhriska, jimicsiga ama qorshaynta maalintaada.Waxaad qaadan kartaa buug yar si aad ugu qorto hawlaha aad qabatay iyo halka aad maraysoHaddii aad seegto maalin, ha moodin in dadaalkaagii dhammaaday. Bilow maalinta xigta, hana ogolaan hal maalin oo aad guul daraysatay inay kaa hor joogto yoolkaaga.
6. Dooro saaxiibbo iyo deegaan wanaagsan
Deegaankaaga iyo dadka kugu dhow waxay si weyn u saameeyaan sida aad u dhaqanto.Marka aad la noolaato dad ku dhiirrigeliya horumar, waxbarasho iyo akhlaaq wanaagsan, way kuu sahlanaanaysaa inaad adigana dhaqammo fiican yeeshoHaddii aad had iyo jeer joogto meel dadka ama waxyaabaha kugu hareeraysan ay kugu dhiirrigeliyaan caadooyinka aad rabto inaad joojiso isbeddel samayntu way kugu adkaan kartaaSidaa darteed, dooro saaxiibbo fiican oo kuu sheega yoolalkaaga, kuna caawiya marka aad dhibaato la kulanto
7. Samee yoolal cad oo aad la xisaabtami karto
Qof aan lahayn qorshe cad wuu ka dhib badan yahay inuu ogaado halka uu ku socdo.Qor caadooyinka aad rabto inaad ka tagto iyo kuwa aad rabto inaad yeelato. Qorshee mid kasta, xilli iyo tallaabooyin aad samayn karto.Tusaale ahaan:- Akhriso 15 daqiiqo maalintii.- Inaad ka dhinto waqtiga aad taleefanka ku luminayso.- Inaad toddobaadkii dhowr jeer jimicsato.- Inaad maalin walba waqti gooni ah siiso barashada xirfad cusub.- Inaad mar kasta fiiriso shaqooyinka aad maalintaas qabatay.Markaad qorto yoolalkaaga oo aad la socoto horumarkaaga, waxaad dareemaysaa masuuliyad badan taasoo kugu dhiirrigelisa inaad socoto
8. Xooji xiriirkaaga Alle
Horumarinta nafta ma aha oo keliya in la badalo dhaqanka iyo hab-nololeedka. Qofku wuxuu kaloo u baahan yahay inuu wanaajiyo xiriirka uu la leeyahay Alle.Salaadda, akhrinta Qur’aanka, ducada, dikriga iyo ka fiirsashada camalka wanaagsan waxay qofka siin karaan qalbi deggan iyo nolol leh edeb iyo masuuliyadAlle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّىٰ يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ
Macnaha: Alle xaaladda qoom ma beddelo ilaa ay iyagu isbeddel ka sameeyaan naftooda (Suuradda Ar-Racdi: 11).Aayaddani waxay inoo sheegeysaa in qofku uu isagu dadaal iyo isbeddel naftiisa ka bilaabo.
Gunaanad: Isbeddelkaaga maanta bilow
Ka takhalusidda caadooyinka dhaawaca leh ma aha wax mar keliya lagu guuleysto. Waa safar u baahan dulqaad, go’aan, joogtayn iyo is-xisaabtan.Sug maalinta aad dareento inaad diyaar u tahay inaad wax walba beddesho. Bilow waxa aad maanta awoodo, xitaa haddii ay tahay tallaabo yar.Haddii aad maanta hal caado oo xun beddesho, berrina mid kale hagaajiso, waxaad si tartiib ah u dhisaysaa nolol ka wanaagsan tii shalayXusuusnow: Naftaada ma beddeli kartid adigoo sugaya isbeddel, ee waxaad beddeli kartaa marka aad bilowdo inaad ficil samayso